Shir looga hadlayo dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo,Sawirro.

Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel gaar ah ee Maamulka Jubbaland waxaa maanta ka furmey shir looga hadlayo dib u eegista dastuurka Soomaaliya kaas oo muddo Afar cesho ah socon doona.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe,Godoomiyaha gudiga dastuurka Labada aqalka ee Barlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale, wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka Xukumada Soomaaliya Xasan Cabdi Cilmi, wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada dalka iyo marti sharaf kale.

Image may contain: 2 people, people sitting
Xubnaha Shirka ka qeyb galaya.

Shirkaan oo socon doona mudo afar cisho ah sida qorshahu yahey waxaana looga hadli doonaa dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah Soomaaliya.

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor
Masuuliyiinta shirka dib u eegista Dastuurka ku meel gaar ah ee Soomaaliya,.

Wafdigaan ka socda Wasaarada dastuurka Soomaaliya iyo wasiirada Dowlad Goboleedyada dalka ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Image may contain: 2 people, people sitting and suit
Wasiirada Dastuurka Dowlad Goboleedyada dalka.

 

MM Staff

Read Previous

Sirdoonka Pakistan oo fashiliyay weerar ay Hindiya la damacsaneyd

Read Next

Xisbiga Waddani oo Xukumada Somaliland ku eedeeyay in ay wateen ilaalo iyo gaari ay lahaayeen.