Warqad ka soo baxday xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa lagu eedeeyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya in uu faragelin iyo ka been abuurasho ku hayo xafiiska xisaabiyaha.
Faadumo Cismaan Faarax,ayaa ku eedeeysay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya in warqad uu horay u soo saaray ay ku saabsaneyn waxa ay ku sheegtay ka been abuurasho,faragelin iyo rabaayadeynta xafiiska Xisaabiyaha Guud oo ay sheegtay in uu ka madaxbanaanyahay Wasaaradda maaliyadda ee uu Wasiirka ka yahay Beyle.


