Madaxii Canshuuraha Dekadda Muqdisho oo lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku ridday 8 ka mid ah shaqaalihii qeybta Canshuuraha ee Dekadda Muqdisho.

Dadka Xukunkaas uu ku dhacay waxaa ka mid ah madaxii hore ee Canshuuraha Dekadda Muqdisho Axmed Cabdullahi Samow iyo 7 ka mid ah dadkii la shaqeynayay kuwaas oo lagu xukumay min saddex Sano oo Xabsi ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale siideysay labo ka mid ah shaqaalaha dekadda oo ay ka mid ahayd Haweeney ku xigeen u ahayd Samow.

Maxkamadda ayaa Dadka la xukumay ku eedeysay Musuq maasuq intii ay xafiiska joogeen,waxaa sidoo kale min saddex Sano iyo laba bilood oo Xabsi ah lagu xukumay Agaasime waaxeedkii dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda maareynta musiibooyinka Daahir Maxamed Nuur iyo Nin kale oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed Nuur.

Mustaqbal media

Read Previous

Xisaabiyaha guud oo eedeyn u jeediyay Wasiirka Maaliyadda,Warqad

Read Next

Banadir Regional Court sentenced Officials for Corrupt allegations