Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo kulan deg deg ah la isugu yeeray.

Wararka Mustaqbal Radio ay ka heleyso Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goordhaw Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Sh.Cismaan Barre uu isugu yeeray Xildhibaanada.

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo loo yeeray ayaa Mustaqbal u sheegay in ay kulan deg deg ah la qaadanayaan Gudoomiyahooda.

U jeedka waxa ay ku sheegeen in furmashada fadhiga Baarlamaanka Hir-Shabeelle looga hadlayo, maadaama uu khilaaf ka dhex jiro Xildhibaanada, qayb kamid ah ay la safan yihiin Gudoomiyaha, halka dhinaca kale uu kasoo horjeedo.

Wararka qaar oo aynu ka helnay Xildhibaanada ayaa sheegaya in ay cabasho ka yihiin mushaar la’aan muddo dhowr bilood ah heysata.

Dhismaha Xarunta Baarlamaanka oo la joojiyay sababo la xiriira gaadiidkii soo qaadi lahaa Agabka dhismaha oo Digniin Al-Shabaab ay u direen awgii u diiday.

Arrinta kale ee kusoo korortay Xildhibaanada ayaa ah Magacaabista Wasiirada Xildhibaanada qaar loo Magacaabay oo ay diidan yihiin.

Labo Sabab awgii ayay u diidan yihiin Xildhibaanada sida Mustaqbal ay u sheegeen Illo Wareedyo ku sugan Magaalada Jowhar.

Qodobka koowaad ayaa ah: In Magacaabista ay tahay mid deg deg ah oo la isaga jeedinayo Guuxa kasoo yeeraya Xildhibaanada ee ku wajahan Madaxweyne Waare.

Qodobka labaad ayaa ah: In Xildhibaanada qaar ay diidan yihiin Wasaaradaha loo Magacaabay, Maadaama ay ku haminayaan Wasaarado ka waa weyn.

Si kastaba Magaalada Jowhar waxaa loo wada dhegtaagayaa sida ay wax isku badalaan, maadaama Wasiirada Xubnaha loo Magacaabay ay sheegayaan in ay kaliya ka war heleen Magacaabistooda oo aan jirin wadahadal iyo wada tashi lala sameeyay Toona.

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweyne Waare oo Isku Shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.

Read Next

Ruushka oo Hub ka iibinaya Soomaaliya