Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa wasiirada.
Wasiiro ka kooban 12-xubnood oo 11-kamid ah ay yihiin Xildhibaanno, iyo 9-Wasiiru Dowle oo Xildhibaanada Hir-Shabeelle katirsan ayuu Magacaabay Madaxweyne Waare.
Xildhibaanada la magacaabay ayaa u badan kuwii dhowaan Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Qaar kamid ah Wasiirada uu Magacaabay Madaxweyne Waare ayaa Mustaqbal u sheegay in aysan ku qanacsaneen Xilalka loo magacaabay.
Sababta waxa ay ku sheegeen in Magacaabista uu Wasaare isaga jeedinayo Cabashooyin ay ka qabaan Xildhibaanada Mushaar la’aan Muddo heysata.
Waxa ay tilmaameen in saacadaha soo socda ay ka hadli doonaan, mushaar la’aanta heysata oo saameyn ku yeelatay.

