Xildhibaan Sakariye Maxamuud oo sheegay iney filan waa ku noqotay socdaalkii madaxweynaha ee dalka Kenya.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo katirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si kulul uga hadlay socdaalkii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay toodbaadkan magaalada Nairobi.

Wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal, ayuu ku sheegay iney ku nooqtay filan waa in Madaxweynuhu ku dhiirado inuu tago Xarunta Kenya, isagoo ay wada socdaan Ra’iisul Wasaare Abiye Axmed.

Dowladda Kenya ayuu ku eedeeyay iney qaadatay go’aan lama filaan ah oo ah iney xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, iney sheegatay Bad ay leedahay Soomalaiya iyo iney soo saartay warar ay ku han dadeyso dowladda Soomaaliya.

Madaxda ugu sareysa dalka, ayuu sheegay iney uga jawaabeen si hoose tilaabooyinka aan kala joogsiga leheyn ee ay qaadeysay Xukuumada Nairobi.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, ayaa dhinaca kale sheegay iney jiraan warar isa soo taraya oo la xirirta in labada dal ay heshiis ka gaareen arinta badda, sidaasna ay qoreyso Warbaahinta gudaha ee dalka Kenya, isagoo shaaciyay in marka ugu horeysa uu furmo Kulamada baarlamaanka ay horgeyn doonaan.

Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo oo uu wehliyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa shantii bishan tegey dalka Kenya, iyadoo dadka qaar ee siyaasada falnaqeeya ay aad u dhaliileen Socdaalkaas iyagoo sheegay inay wanaagsanaan lahayd in dal kale uu kulankan ka dhaco oo aanu madaxweynuhu tagin Nairobi.

Dowlada Kenya ayaa bishii aynu ka soo gudubnay safiirkii Soomaaliya ka soo eridey dalkeeda iyadoo sidoo kale dib ugu yeeratay safiirkeeda, iyadoo wali aan xal buuxda laga gaarin xiisada labada dowladood

 

News Editor

Read Previous

Sawirro: Ciidamada amniga Baledweyne oo toogtay ruux miino aasayay, hubna soo bandhigay.

Read Next

Ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah oo xalay duqeyn iyo dagaal toos ah ka fuliyay deegaanka Gamboole oo Shabaab ay heystaan.