MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay saqdii dhexe duqeyn xoogan la eegteen Saldhigyo Al-Shaabab ay leeyihiin, iyadoo uu jiro khasare dhimasho iyo dhaawacba leh oo weerarka ka dhashay.
Diyaarado dagaal oo Mareykanku ay leeyihiin ayaa Sagaal Gantaal la dhacay deegaanka Gamboole oo ay Shabaab heystaan, waxaana duqeynta xigay Ciidamo Mareykan iyo Soomaali ah oo gudaha u galay deegaanka, halkaas oo ay iska caabin aan badneyn kala kulmeen Kooxda Al-Shabaab.
Dadka deegaanka, ayaa soo sheegay in xili ay dadku hurdayeen ay ka war heleen oo kaliya dhawaqa madaafiicda diyaaradaha laga gano oo ku soo hoobaneysa deegaanka, iyadoo ay baqdinta uga sii dartay markii ay ogaadeen inuu dagaal fool ka fool ah socdo.
Saraakiil katirsan maamulka Hirshabelle, ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in ku dhowaad 10 xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo dagaalamayaal Shabaab ah lagu dilay duqeynta iyo weerarka is barbar socday.
Shabaab oo saaka dib ugu laabteen deegaanka Gamboole, ayaa ka wada howlgal ay ku soo xir xireen Tobanaan dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu tuhmayo iney wax ka maleegeen weerarka habeen dheelmadka ahaa ee xalay lagu soo qaaday.
Shabaabku wali wax war ah meysan ka soo saarin weerarka iyo khasaaraha soo gaaray, iyadoo aan sidoo kale jirin wax war ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka oo leheyd hoggaanka howlgalka.
