Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Waxay fahfaahin kasoo baxaysa dagaal beeleed dib uga soo cusboonaadey Koonfurta gobolka Sool, gaar ahaan degaan lagu magacaabo degaanka Dhumay.
Cooladdan oo u dhaxeysa malleeshiyaad Qaab beeleed u abaabulan ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso aanooyin iyo dilal hore, oo heshiisyo horey looga gaarey fuli waayay.
Inta illaa hadda la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dagaalka sokeeye 17 qof, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhawacmeen, kuwaaso wararku ay sheegeen in la dhigay Isbitaalka magaalada Laasacaanood.
Labada dhinac ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro, midka hadda socda ayaa qeyb ka ah dagaallo mudo soo jiitamayay, oo sababay khasaarooyin dhimasha, dhaawac iyo barakac xooggan.
Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo dhinacyada dirirta u dhaxeysa ay dhexdegan yihiin ayaa lagu eedeeyay inaysan xil iskasaarin, islamarkaana muhiimad siinin xalinta colaadda dhiiga ku daadanaya.
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Puntland ayaa baaqyo kasoo saarey colaadda, iyagoo ku baaqay xabad joojin deg deg ah, oo shuruud la’aan ah.
