Baarlamaanka DDSI oo kulan degdeg ah ku leh Jigjiga.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad deegaanka Somalida Itoobiya, ayaa sheegaya inuu maanta jiro kulana an caadi eheyn oo ay isugu imanataan Baarlamaanka.

Kulanka maanta oo laba ajende ka kooban ayaa midka hore waxa uu yahay Cod u qaadista Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada DDSI, Kaasoo dhowaan uu soo magacaabay Madaxweynaha KMG-ka ah Mustafe Muxumad Cagjar.

Xildhibaano sii xaadiray kulanka, ayaa soo sheegaya iney ubadantahay iney codka kalsoonida siin doonaan Gudoomiyaha Maxkamada DDSI.

Sidoo kale, waxaa jiraya magacaabida Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka DDSI, Kaasoo abdalaya ninka xilka laga eryay ee kamidka ahaa xubnihii la soo sheegayay Madaxweynaha xabsiga ku xanuunsanaya Cabdi Maxamuud Cumar.

Xildhibaanada ayaa doonaya iney howlahan iska soo dhameeyaan kahor Salaada Jimcaha ee maanta, Waxeyna howshan qeyb ka tahay shaqooyinka dardata ku socda ee Maamulka Mustafe Cagjar.

Mustaqbal media

Read Previous

laba kamid ah xubnaha Kastamka Canshuuraha Dekeda Muqdisho oo xabsiga laga sii daayay.

Read Next

Xildhibaan ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka socda Gobolka Sool.