West Ham Oo U Dhaqaaqeysa Saxiixa Samir Nasri.

Kooxda West Ham ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaqday xidigii hore ee Kooxaha Arsenal iyo Man City Samir Nasri.

31-jirka ayaa weli gudanaya ganaaxii 18-bilood ee la dul-dhigay kaddib markii lagu helay isticmaalka dawooyin Mamnuuc ka ah UEFA.

Ganaaxa ayaa laga qaadi doonaa bisha December taa oo ka dhigan in laacibka reer France uu ciyaari karo bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.

Macalinka West Ham Manuel Pellegrini, kaa oo ay Nasri ka soo wada shaqeeyeen Manchester City ayaa ah awooda ka dambeysa hesiiska lixda bilood ee lagu wado inuu laacibka u saxiixo kooxda reer London.

Maadaama ay West Ham dhaawac culus ku waayi doonto xiddigeeda Andriy Yarmolenko inta ka harsan xili ciyaareedkan waxay isku diyaarinayaan inay aqbalaan heshiis uu Nasri usbuuciiba ku qaadan doono mushaar dhan 80,000 oo Bound.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Lionel Messi Oo la gudoonsiiyay Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicanaa Horyaalka La Liga Ee Xilli Ciyaareedkii Hore.

Read Next

Xildhibaannada Galmudug oo ansixinaya Wasiirradii uu magacaabay Xaaf