Lionel Messi Oo la gudoonsiiyay Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicanaa Horyaalka La Liga Ee Xilli Ciyaareedkii Hore.

Kabtanka kooxda Barcelona iyo xulka Argentina Lio Messi ayaa ku guuleystay Abaalmarinta laacibkii ugu fiicnaa horyaalka Spain ee La Liga.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa dhaliyay 34 gool xilli ciyaareedkii hore isaga oo sidoo kale caawiye ka noqday 12 kale.

Wargayska MARCA ayaa  shaaciyay in uu Messi ku guulaystay abaalmarinta xiddigii ugu fiicanaa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore.

Lionel Messi ayaa markii 5-aad taariikhdiisa ku guulaystay abaalmarinta gooldhaliyaha horyaalka La Liga isaga oo noqday xiddigii ugu horeeyay oo sidaas sameeyay.

Messi ayaa kooxdiisa Barcelona ku hogaamiyay hanashada labada koob ee La Liga iyo Copa del Rey-ga kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay hogaamiyaha.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Antonio Conte Oo farta ku fiiqay Horyaalka Uu Ka Shaqa Bilaabi Doon.

Read Next

West Ham Oo U Dhaqaaqeysa Saxiixa Samir Nasri.