Weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay gobolka Kashmiir

Ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah, kuwaasoo ay ku jireen dalxiisayaal, meel u dhow deegaanka Baisaran ee gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir.

Sida ay sheegeen booliska Hindiya, weerarkan ayaa ka dhacay goob 5km u jirta magaalada dalxiiska caanka ah ee Pahalgam.

Booliska ayaa weerarka ku tilmaamay “mid argagixiso,” wuxuuna ahaa mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee lagu beegsado dad shacab ah sannadihii u dambeeyay.

Dad badan oo dalxiisayaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen rasaasta, waxaana si degdeg ah loogu qaaday xarumo caafimaad.

Taliyeyaasha amniga ayaa sheegay in aan weli la aqoonsan kooxdii ka dambeysay weerarka, hase yeeshee ay tuhmayaan kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda maamulkii Hindiya ee Kashmir.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay howlgallo baadi-goob ah si loo helo kuwii falkan geystay.

Kashmir ayaa muddo dheer ahayd goob ay ka dhacaan dagaallo, qalalaase siyaasadeed, iyo weerarro hubeysan, iyadoo marar badan dadka rayidka ah ay noqdaan kuwa ugu badan ee waxyeelladu soo gaarto.

Mustaqbal

 

 

 

MM News

Read Previous

Shir looga hadlayo taageerada dhaqaale ee Howlgalka AUSSOM oo ka socda dalka Uganda

Read Next

Xildhibaan Cabdi Ibraahim (Qowdhan) oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka