Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka hadlayay kulan looga hadlayay dajinta qorshaha 5-ta sano soo socota ee Gobolka Banaadir iyo qorshaha dib u naqshadeynta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu dhibaato weyn kuqabto maamulka iyo maareynta dhulka danta guud ee dowladda oo ay qabaail iyo ganacsato ku qabsanayaan
Mararka qaar ayuu tilmaamay in dowladda ay wada xaajood ka gasho maamulidda dhulka Danta guud isaga oo tusaale u soo qaatay in Beerihii nasashada (Derjiino) loo rogay goobo ganacsi sidaas awgeedna aanay jirin meel lagu nasto.
Cabdullaahi Xaamud Maxamed Wasiiru Dowlaha Xafiiska Wasiirka Koowaad ee Dalka ayaa sheegay in Dowladda ay leedahay ka go’aan gaarista dhulalka danta guud, hadii ay bixineyso iyo hadii ay ka dhiseyso goobo loogu adeego Bulshada sida waxbarashada.
Qorshaha 5ta sano ee soo socota loo dajinayo Caasimadda waxa uu dalbaday in lagu soo daro sidii loo heli lahaa tallaabooyin lagula soconayo dadka soo gala Caasimadda iyo kuwa ka baxa si loola socdo dhaq-dhaqaaqooda, qaybna ugu noqoto sugidda amniga Muqdisho.
Qorshaha Caasimadda ayuu tilmaamay Xaamud in ay u baahan tahay dardar gelin, waxyaabaha badan oo aas-aas u ahna ay maqan yihiin sida qorsheynta magaalada, waxa uu sheegay in xaafad walba looga baahan yahay goob waxbarasho ama Iskuul, Masaajid iyo goob caafimaad.

guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng: Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in kulankani ahaa mid wadatashi ah oo loo qabtay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha DFS kaas oo lagala tashanayey wasaaradaha Qorshaha Horumarinta Caasimada Muqdisho si ay talo iyo fikir ugu daraan.
Dhinaca xeebta ayuu sheegay in dadweynuhu uusan galaangal u lahayn tegidda xeebta taasna waxaa sabab u ah ganacsato kaladuwan oo iska dhistay iyaga oo aan ugu talagelin meel laga galo
Magaalada Muqdisho oo hadda aad u sii fideysa ayay muhiimad gaar ahaaneed u leedahay dib u naqshadeynta iyo horumarinta hbaka ay caasimaddu u dhismeyso, kulamada kusaabsan Naqshadda Muqdisho ayaa waxa suuragal ah in ay kasoo baxaan Naqshado horumarin kara Caasimadda oo 1955 loo naqshadeeyey in ay qaaddo dad aad uga yar tirada maanta ku nool.
Mustaqbal
