Xeer ilaalinta Somaliland oo soo bandhigtay Eedaha loo heysto Wariye Coldaaon.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon

Xeer ilaalinta Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigtay Eedaymaha loo Haysto Wariye Cabdimaalik Coldoon oo ku xiran Xabsi ku yaalla Hargeysa.

Saddex eedaymo oo kala duwan ayaa loo heystaa Wariyaha sida ku cad Warqadda Xeer ilaalinta oo lagu soo lifaaqay Magacyada Marqaatiyaasha.

Sidoo kale Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in ay hayaan Muuqaalo iyo qoraalo uu faafiyay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Qodobadaan ayaa loo heystaa sida Xeer ilaalintu sheegtay:

“Taliskani tubtiibuu hayaa hayaa talisyadii hoogay”

” Taliska Muuse Biixi Waa Taliskii Cabdi ilay oo soo koraya”

“Dugsiga Abaarso waxaa ardayda lagu baraa isu galmoodka dadka isku jinsiga ah iyo in dugsigaasi lagu barto diin aan ahayn Islaam”

Dhanka Qareenada difaacaya Wariye Coldoon wali ma jiro war ay kasoo saareen Eedaymaha ay soo bandhigtay Xeer ilaalinta Maamulka Somaliland.

Web master

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika.

Read Next

Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW “Maanta haddii aad rabto xeebta Liido meel aad u marto ma jirto”.