Wasiirka Arrimaha dibadda XFS oo kulan la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda UNDP

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaali Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Wakiilka hay’adda horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya Jocelyn Mason.

Kulanka Wasiirka iyo Wakiilka ayaa diiradda lagu saaray sidii Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaali iyo UNDP ay u wada shaqeyn lahaayeen iyo sidii loogu guuleysan lahaa fulinta Howlaha baaxadda leh ee waxtarka u leh Dalka.

Wasiirka Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaali Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa Wakiilka hay’adda horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya Jocelyn Mason uga mahadceliyay muddadii uu joogay dalka.

“Waxaan uga mahadceliyey dadaalka ay geliyaan mashaariicda horumarinta iyo dhammaan hawlaha kale ee hay’adda UNDP ka waddo dalkeenna guud ahaan.” Sida uu ku yiri Wasiirka qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Putin oo lagu wado in uu booqasho ku tago Turkiga, xilli maxkmada ICC ay amartay in lasoo xiro

Read Next

Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo Safiir Cusub u soo magacaabay Soomaaliya.