Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu isaga haro siyaasadda.
Cabdi Xoosh ayaa sheegay in Xasan sheekh ay shacabka Soomaaliyeed siiyeen fursad muddo 4 Sano ah laakiin aysan mar kale siineyn maaddaama wax qabadkiisii hore uusan qancin.
Xoosh waxaa uu sheegay in Xasan Sheekh ay u wanaagsan tahay in uu ku daydo Madaxweynihii uu isaga beddelay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed,kaas oo afartii sano ee uu Xasan xilka hayay aan ka daba hadlin.
Cabdi Xoosh Jibriil oo qoraal ku qoray Facebook,giisa talo ku siinayay Xasan SHeekh ayaa yiri.

Waxaa kale oo uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan fursad siin qofka marka 1aad si wanaagsan u gudan waaya dowladnimada loo dhiibay.
Wasiir Xoosh ayaa isaga oo ka falcelinaya faahfaahinta (Comments) ka ay qoraalkiisa ka bixiyeen saaxiibadiisa Facebook ayaa kusheegay falcelintiisa Facebook in madaxweyne Xasan Sheekh ahaa kii ugu xumaa ee si xun u adeegsada xuquuqda aadanaha, isaga oo ugu yeeray in uu xusuustiisa dib ugu noqdo

Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kujira olole uu xisbigiisa siyaasadeed ku hormarinayo oo ka socda Muqdisho, waxaana kaqaybgalay munaasabadda furitaanka xarunta dhexe ee xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ama Union for Peace and Development (UPD), xildhibaano iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyo kale.
