Wasiir Oomaar oo ka hadlay Ajnabiga lagu xiray garoonka Muqdisho.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay Nin AJnabi ah oo Sabtidii todobaadkan lagu qabtay Garoonka Weyn ee magaalada Muqdisho.

Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa VOA u sheegay in Ninka la qabtay lagu hayo baaritaan la xiriira waxa uu ka dmaacsanaa waxyaabaha laga helay boorsadiisa, Waxa uu Wasiir Oomaar beeniyay in qaraxyo wax laga sameeyo ay ku jireen boorsadiisa.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somaliya, ayaa tilmaamay in lagu guuleystay in Boorsada Ninkan Ajnabiga ah aysan soo dhaafin barta ugu horeysa ee lagu baaro waxyaabaha kujira boorsooyinka ay wataan dadka rakaabka ah ee garoonka Adan Cadde ka dhoofa.

Si kastaba, Sharikadda Diyaaradaha Dalka Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay hakad kooban gelisay Duullimaadyadeedii Muqdisho iyo Adis ababa.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii Nin u dhashay Koofur Afrika lagu qabtay Boorso uu watay Garoonka Aadan Cadde taas oo uu doonayay in uu ula dhoofo Adis ababa.

Boorsada Ninkaas ayey Ciidamada amaanka ka heleen Gaaska loo adeegsan karo in dadka lagaga ilmeysiiyo, sidaas waxaa mar kale yiri Wasiir Oomaar.

Maamulka Ethiopian Airlines ayaa Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo weydiistay in uu faah faahiyo waxa ninkaasi ahaa iyo walxaha laga shakiyay ee lagu qabtay.

Sharikadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa Soomaaliya ka shaqa billowday Bishii November ee sanadkii la soo dhaafay,waxaana duullimaadkaasi billowday 40 Sano kaddib.

Mustaqbal media

Read Previous

Axmed Madoobe oo Taliska AMISOM kula kulmay Dhooblay.

Read Next

Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.