Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta booqday Taliska qaybta labaad ee howlgalka AMISOM.
Madaxweynaha oo wali ku jira abaabulka howlgalka ka dhanka ah Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa maanta booqday Taliskan oo ku yaala deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose oo uu maamahaan ku sugnaa Axmed Madoobe.

Madaxweynaha waxaa halkaas kusoo dhaweeyay Taliye ku xigeenka Taliska qaybta labaad Cornel Kuto iyo Sarakiisha kale Taliska AMISOM ee saldhigoodu yahey Dhooblay.
Waxaa uu halkaas kula kulmay Sarakiisha Ciidamada isagoo kala hadlay dardar galinta howlgalka iyo sidii doorka AMISOM uu u noqon lahaa mid muuqda si howlgalka uu u noqdo mid Guulaysta dhamaan dhinacyaduna ay ka qayb qaatan.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmahaan wada abaabul ciidan oo uu sheegay in uu ku xoraynayo Dagmooyinka Al Shabaab Maamulaan oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

