Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Wararka naga soo gaaraya degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in goordhow uu qarax ka dhacay Dalcada C/Qaasim ee bartamaha magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Hodan, ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in lala eegtay gaari ay saarnaayeen Dhakhaatiir Ajaanib ah oo xiligaasi shaqadooda ka rawaxay.
Saraakiil laamaha amaanka qaabilsan ayaa Mustaqbal u sheegay in qarax oo ah nooca gawaarida lagu xiro uu haleelay gaari ay saarnaayeen Dhakhaatiir Syrian ah, kuwaasoo u shaqeeya mid kamid ah Isbitaalada ku yaala Muqdisho.
Wararka ayaa intaasi ku sii daraya inuu jiro kahsaare gaaray Dhakhaatiirta Syrianka iyo Shaqaale kale oo Somali ah oo gaariga la saarnaa, waloow aynaan ogaan khasaaraha inta uu la egyahay.
Qaraxyada lagu xiro gawaarida ee Dhejiska loo yaqaano, ayaa mudooyinkii danbe ka dhacayay degmada Hodan, waana qaraxii Saddexaad ee bishan gudeheed ka dhaca degmada.
