Wasiir Omaar oo dalbaday in wax laga qabto Garoonka Aadan Cadde.

Wasirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Omaar oo ka hadlayay shaqada Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho ayaa sheegay in Ciriiri Badan uu ka jiro Garoonka.

Wasiir Omaar oo la hadlayay Idaacada ku hadashay Afka Dowlada  ayaa Rajo Xumo ka Muujiyay in Garoonka Aadan Cade uusan  sii shaqayn Doonin sanado Badan,Maadama uu san haysan Garonka Meelo badan oo ay Diyaradaha isku dhaafi kaaraan Taasina ay sababtay in saacadaha shaqada loo kala bedelo diyaaradaha Ethopian air ways, iyo Kaynya Airways.

Garoonka Aadan Cade ayaa waxaa ka hawlgala Diyaarado Caalami ah oo ka mid yihin Ethopian air ways, Kyanya Airways, Turkish Airways, iyo Qadar air ways oo Bartamaha sanadka Soo socda shaqa bilaabi doonto.

Halkaan ka dhageyso Codka Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Mustaqbal media

Read Previous

Jubbaland oo sheegtey in ay baarayso sababta keentay sarra u kaca qiimaha shidaalka Kismaayo.

Read Next

Warar dheeraad ah oo baxaya Khasaaraha ka dhashey qarax ka dhacey Baladweyne.