Jubbaland oo sheegtey in ay baarayso sababta keentay sarra u kaca qiimaha shidaalka Kismaayo.

Gaadiidlayda Magaalada Kismaayo ayaa intabadan  iska xareeyay Gawaaridooda ka dib markii uu sare u kacay Qiimaha shidaalka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose.

Ganacsatada Magaaladaasi ayaa lagu eedeyay in ay ka dambeeyaan sare u kaca shidaalka iyo Maamulka Jubaland uu ku fashilmay wax ka qabashadeeda.

Qaar ka mid ah gaadiidlayda magaalada Kismaayo oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa sheegay in ganacsato yar oo is fahantay ay ka dambeeyeen sare u kaca shidaalka, waxaana ayna ka dalbadeen Maamulka Jubaland in ay wax ka qabtaan arintan Maadaama Dhawr Mar ay soo noq noqotay.

Wasiirka Ganacsiga Jubbaland  Cabdinuur Cali Aadan

Dhinaca kale Cabdinuur Cali Aadan oo ah Wasiirka Ganacsiga Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay diyaarisay Gudi arintaasi Baara, waxaana uu intaasi ku daray hadii ay Ganacsatada ku caadaato arintaan ay talaabo ka qaadi doonaan.

Waxa uuna Gaadiidlayda ka dalbaday in ay isdejiyaan ilaa Maalinka sabtiga ah oo lasoo ogaanayo Xaqiiqda saxda ah ee ka dambaysa Sare u kaca Qiimaha shidaalka Magaalada Kismaayo.

Qiimaha shidalaka ee magaalada Kismaayo ayaa markii hore la iibinayay halkii Fuusto $150 –Balse hada waxaa uu marayaa $250, arintaan waxaa ay saamanyta ugu badan ku yelatay dadka danyarta ah ee ku shaqaysta gaadiidka si ay maareeyaan Noloshooda.

Mustaqbal media

Read Previous

Dagaal saaka markale ka dhacay deegaanka Kaxandhaale.

Read Next

Wasiir Omaar oo dalbaday in wax laga qabto Garoonka Aadan Cadde.