Wasiir Bayle oo la kulmay Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka,Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga cusub ee Golaha shacabka Soomaaliya.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha cusub ee Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Guddiga iyo Wasaaradda.

Waxaa kale oo uu sheegay in labada dhinac ay hortaallo shaqo adag oo ay tahay in si deg deg ah loo guto.

C/Raxmaan Beyle ayaa sheegay in xubnaha uu la kulmay uu ku arkay in ay ka go’antahay horumarinta maaliyadda dalka.

Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka oo isbeddel lagu sameeyay habeen hore ayaa shalay gelinkii dambe doortay Guddoomiye, ku xigeen iyo Xoghaye.

Waxaa 30ka Bishan laga sugayaa in golaha shacabka ay u gudbiyaan miisaaniyadda Qaranka ee 2019ka.

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

Mustaqbal media

Read Previous

Ardaydii ka badbaadday weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo qalin jebiyay

Read Next

Qarax Gaari lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho