Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay kaddib markii Gaari uu qofkaasi watay qarax lagu xiray uu kula qarxay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Qofka qaraxa loogu xiray Gaariga ee ku dhaawacmay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cismaan Dheere, kaas oo ka tirsan Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Cismaan Dheere uu ka tirsanyahay shaqaalaha Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.
Ma jirto cid kale oo wax ku noqtay Qaraxa ka dhacay Xaafadda Maajo ee Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Inta badan Isgoysyada Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Ciidamo si gaar ah baaritaan ugu sameeya Gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay ee ay wataan shaqsiyaadka.
