Ardaydii ka badbaadday weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo qalin jebiyay

In ka badan 300 Ardey oo ka mid ahaa kuwii ka badbaaday weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee dhacay 2015kii ayaa ka qalin jebiyay Jaamacadda MOI ee Dalka Kenya.

Weerarkaas kaddib ayaa ardayda ka badbaadday loo wareejiyay Jaamacadda MOI halkaas oo ay waxbarashadooda ka dhameystirteen.

Waxaa ay ka mid noqdeen dufcadda 37aad ee Jaamacadda, iyaga oo loo qabtay Munaasibadda lagu guddoonsiinayay Shahaaddooyinkooda lagu qabtay Nairobi.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda,  Isaac Kosgei, ayaa sheegay in Dowladda Kenya, Ganacsato iyo dalal dibadda ah ay ka qeybqaateen in Ardeydaas ay dhameystirtaan waxbarashadooda iyaga oo damaanad qaaday qarashaadkii ku baxayay.

Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee dhacay 2dii April 2015kii waxaa ku geeriyooday 149 qof oo intooda badan ahaa ardeyda Jaamacadda waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegtay AL-shabaab.

Mustaqbal media

Read Previous

Nin dil iyo Kufsi geystey oo lagu xukumey 25 sanno oo Xabsi ah.

Read Next

Wasiir Bayle oo la kulmay Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka,Sawirro