Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta 7 Gaadiid ah ku wareejisay Maamullada Banaadir, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Munaasibad k dhacday Magaalada Muqdisho ayaa maamulka Gobolka Banaadir lagu siiyay labo Gaari,halka Hirshabeelle lagu siiyay saddex Gaari, Koofur Galbeedna lagu siiyay labo Gaari.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Gaadiidkan uu qeyb ka yahay ballaarinta Istiraatiijiyadda dowlada Federaalka ah ee la xiriirta Dakhli ururinta dalka.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in howshan ay ka mid tahay qorshaha fidinta dakhli ururinta ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Munaasibadda ay Gaadiidka kula wareegayeen dowlad Goboleedyada qaar iyo Gobolka Banaadir waxaa sidoo kale joogay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Wasiirka Maaliyadda Hirshabeelle Cabdullahi Maxamed Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).
Wasiir Bayle ayaa sidoo kale sheegay in Maamullada Puntland, Jubaland iyo Galmudug iyana loo qeybinayo gaadiid loo hayo oo uu sheegay in ay u kala helayaan Puntland 2, Jubaland 3 iyo Galmudug oo 2 ah.
