Wasiir Cawad oo shir guddoomiyay kulanka Jaamacadda Carabta

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay Wasiirrada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ku yeesheen Qaahira.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlayay xaaladaha ka soo kordhay Falastiin gaar ahaa heshiiska qarniga waxa loo bixiyay ee uu Mareykanka ka wado Bariga dhexe.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa shirka ka qeybgalay waxaana uu heshiiskaas ku tilmaamay mid ceel ku ridaya mustaqbalka Falastiin.

Wasiiru dowlaha arrimaha Afrika ee Sucuudiga ayaa hoggaaminayay wafddiga Sucuudiga ee shirkaas ka qeybgalay.

Waxaa kale oo shirka qeyb ka ahaa Xoghaya guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyd.

Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegtay shir guddoonka Wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta waxaana ay heyneysaa muddo lix bilood ah.

Web master

Read Previous

Egypt’s PM urges opening BanqueMisr branch in Somalia

Read Next

Wasaaradda Maaliyadda oo Gaadiid ku wareejisay G.Banaadir, Hirshabeelle iyo K/Galbeed,Sawirro