Warta KM4 oo laga soo saaray Maydka qof jirkiisa isbaddelay

Warta Kiilo-mitir 4 ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga soosaaray maydka qof muddo ku jiray oo jirkiisa isbaddelay isla markaana la aqoonsan waayay, Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku guulaysatay in ay kasoo saarto goobtaas.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in urta goobta oo isbaddeshay lagu raad-raacay maydka qofkaan dhintay oo qof Rag ah, kaddib waxaa la wargeliyay Dowladda Hoose oo ugu dambayn goobta ka qaadday.

Roobkii xoogganaa ee todobaadkii hore ka da’ay Magaalada Muqdisho ayaa sababay in biyo badan ay ku howraan Wartaan iyo kuwo kale, khasaaraha inta la og yahay waxaa ku dhintay qofka maanta maydkiisa laga soosaaray Warta KM4.

Sidaan oo kale isla Wartaan waxaa looga soosaaray Maydka qof ku dhintay roob xooggan oo ka da’ay Caasimadda, tani waxa ay muujinaysaa khatarta u baahan in baraarug laga sameeyo xiliyada roobka sida ay ku warrameen dadka deegaanka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

1,300 oo ruux oo Qaaradda Yurub ugu geeriyootay kul xad-dhaaf ah oo ka jira

Read Next

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Shiikh iyo Ra’iisul wasaare Aby Axmed?