1,300 oo ruux oo Qaaradda Yurub ugu geeriyootay kul xad-dhaaf ah oo ka jira

Dalal badan oo Qaaradda Yurub ah waxaa ka jira kul xad-dhaaf ah oo sababay dhimashada 1,300 sida ay ku warrantay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta loona soo gaabiyo WHO.

Yurub ayaa wajahaysa Kul aad u darran, waxaana cabbirka lagu ogaado uu gaaray 41.7°C Digrii, tani waxa ay sababtay in Magaalooyinka qaar dadka isaga tagaan iyaga oo raadsanaya meelaha biyaha leh si ay qabow u raadinayaan.

Jarmalka waxaa ka dhacday mid kamid ah Sheekooyinka Dadka soo jiitay ee arrinta kulka la xiriira ka dhashay waana Gawaarida Dab damiska ah oo biyo kor u daadinaya si dadka looga dhigo sida dhibicda Roobka oo kale si ay qabow u helaan.

Meelaha ugu darran ee kulka xad-dhaafka ah uu ka jiro waxaa kamid ah Dalalka Jarmalka, Poland & Jamhuuriyadda Crezch, waxa ay waddamadaas dhacaan Bartamaha iyo Bariga Qaaradda Yurub.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in Hay’addu ay xoogga saartay diiwaangelinta Dadka u dhinta Kulkaas laga soo billaabo 21kii June oo ah 8 cisho gudahood.

Dadkaas dhintay ayaa da’doodu badan tahay 65 sano waxaana daraasadda lagu qiimeeyay lagu sheegay in ay ku  naf baxeen guryahooda taasi oo muujinaysa in kulka xad-dhaafka ah uu xitaa saameeyay qabowga aaladaha ku shaqeeya korontada.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Shir looga hadlayo Arrimaha Bani aadamnimada ee Dalka oo ka furmay Baydhabo

Read Next

Warta KM4 oo laga soo saaray Maydka qof jirkiisa isbaddelay