Wariye ku dhaawacmay Qarax Galabta ka dhacay Muqdisho.

Wararka Mustaqbal Radio ay heleyso waxa ay sheegayaan in Qarax galabta ka dhacay Muqdisho uu ku dhaawacmay Wariye Ismaaciil Shiikh Khaliifa.

Qaraxa waxa ay wararka qaar sheegayaan in uu ahaa nuuca Dhajiska oo loogu xiray Gaarigiisa, waxaana soo gaaray dhaawac.

Mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho ayaa Ismaaciil la geeyay si looga daweeyo dhaawaca soo gaaray.

Ismaaciil Sh.Khaliifa ayaa ah Guddoomiyaha Human Rights Journalist HRJ oo ah Urur u dooda Xaquuda Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale horay u ahaa Agaasimaha Idaacadda Star FM, waxaana goobta lagu qarxiyay Gaarigiisa tagay Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.

Gaariga Ismaaciil Shiikh Khaliifa.
Gaariga Ismaaciil

La soco wixii kasoo kordha.

Mustaqbal media

Read Previous

Luka Modric oo Sameeyay wax aan muddo 20-sano ah Laga Sameyn Abaalmarinta Ballon D’or!

Read Next

Amarro ka dhan ah Shacabka Hubka ku qaata Deegaanada Hir-Shabeelle oo lasoo saaray.