Warqad kasoo baxday Taliska qaybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka kana howlgala Deegaanada Hir-Shabeelle ayaa lagu mamnuucay dadka shacabka ah ee hubka qaata.
Ciidamada Ammaanka sugaya ayaa la faray in Magaalooyinka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Hir-Shabeelle ah laga joojiyay in Shacabka ay hub ku dhex qaataan laga bilaabo 3-da Desember 2018 oo shalay ku beegneen.
Hay’adaha Ammaanka ayaa la faray in ay amarkaan dhaqan geliyaan oo ay soo qabtaan qofkii ka dhega adeegta ama u hogaansami weyso.
Maxamuud Maxamed Macalin (Koronto) Taliyaha Qaybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga oo ku saxiixnaa Warqaddaan ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay ay tahay Sidii loo sugi lahaa Ammaanka.
Hoos ka Aqriso Warqadda.

