Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa ogolaaday in uu noqdo tababaraha Cusub ee kooxda Juventus kadib chelsea waydiistay in ay iska fasaxdo (Goal).
Tababare Sarri ayaa agaasimaha kooxda chelsea ee Marina Granovskaia u sheegay go,aankiisa kadib markii uu la kulmay madaxda kooxda Juventus Jimcihii (Sky Italia).
Kooxda chelsea ayaa sugaysa dalab Rasmi ah oo ay kooxda Juventus ka gudbiyaan saxiixa tababare maurizio Sarri (Guardian).
Daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa sheegay in uu go,aan ka gaadhi doono mustaqbalkiisa maalmaha soo socoda (Telegraph).
Kooxda Man City ayaa u dhaqaaqi doonta xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Tanguy Ndombele ama xiddiga kooxda Real Madrid ee Marco Llorente hadii ay ku fashilmaan saxiixa Rodri (Manchester Evening News).
Xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan ayaa sii joogi doona kooxda Man City xilli ciyaareedka dambe xitaa hadii ay xor ku waayayso xiddiga 28 jirka ah xilli ciyaareedka dambe (Mail).
Tababare Zinedine Zidane ayaa si shaqsi ah u soo dhex galay Xaalada Sergio Ramos kabtankiisana ku qanciyay in uu iska sii joogo kooxda (ESPN).
Real Madrid ayaa isaga hadhay gabi ahaan baacsiga ay ugu jirta xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Benfica ee Joao Fexlis iyaga oo awooda saari doona dhamaystirka Heshiiska Hazard (Marca).
Kooxda Real Madrid ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Chelsea si ay uga hesho Eden Hazard saacadihii la soo dhaafay (Mail).
Real Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddigaha khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Donny Van de Beek ama Xiddiga Tottenham ee Christian Eriksen Hadii ay ku fashilmaan saxiixa Paul Pogba (Sun).
Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa sheegay in uu qarka u saaraan ku biirista kooxda Liverpool kadib markii uu la hadlay tababarihii Man United ee Louis Van Gaal laakiin Hadal uu ka helay Jurgen Klopp ayaa badalay go,aankiisa (Mirror).
Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa diyaar u ah in uu Mesut Ozil u ogolaado in uu isaga tago kooxda xagaagan (Standard).
Arsenal ayaa la xidhiidhay kooxda Leicester City oo ay xiddiga khadka dhexe ee James Maddison uga doonayso badalka Ozil (Mail).
Kooxda Barcelona ayaa la socota xaalada weeraryahanka kooxda Girona ee 32 jirka ah ee Cristhian Stuani si ay ugu dhaqaaqaan adeegiisa (Marca).
