Wargeysyada Caalamka iyo Ciyaaraha Waxa ay ka Qoreen Maanta.

Kooxda Man United ayaa ku dhaw in ay dalab ka gudbiso daafaca kooxda Barcelona ee Yerry Mina oo 23 jir ah kadib markii ay ku fashilmeen isku daygii ay ku doonayeen 25 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Leicester city ee Harry Maguire (Mirror).

 Everton ayaan diyaaar u ahayn in ay miiska saarto lacagta 35-ka milyan ah ee ay Barcelona ku qiimayso daafaceeda Yerry Mina waxana ay haatan dareenkeeda u jeedin doontaa xiddiga kooxda Man United ee Marcos Rojo oo 28 jir ah (Goal).

 Kooxda chealsea ayaa dooran doonta in ay si xor ah ku waydo Goolhayaha 26 jirka ah ee reer Belguim ee Thibaut Courtois xagaaga dambe hadii ay badalkiisa keeni waydo ka hor inta uuna suuqu xirmini khamiista (Mail).

 Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Mateo Kovacic oo 24 jir ah ayaan ku biiri doonin Man United sababta oo ah ma doonayo in uu ka hoos ciyaaro Jose Mourinho (Marca).

 Xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG ee Adrien Rabiot oo 23 jir ah ayaa isaga tagi kara kooxda PSG hadii ay kooxda difaacanaysa Ligue 1 la soo saxiixato xiddiga kooxda chelsea ee N’Golo Kante oo 27 jir ah (Mundo Deportivo).

 Weeraryahanka reer Argentine ee Gonzalo Higuain ayaa xaqiijiyay in uu ku biirayo kooxda Ac Milan iyada oo kaliya tijaabada caafimaadka u hadhay in uu maro (Football Italia).

 Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay kooxda Tottenham ka afduubato xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee Jack Grealish (Sun).

 Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay qaabkii ku soo xero galisay xiddiga khadka dhexe ee Naby Keita u Isticmaalayso soo xero galinta Christian Pulisic (Mirror).

 Kooxda Roma ayaa xiiso u muuqjisay xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Thorgan Hazard kaas oo u ciyaara kooxda Borussia Monchengladbach laguna helayo 20 milyan oo euro (Gazzetta Dello Sport).

 Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Arturo Vidal ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Barcelona (Marca).

 Kooxda Roma ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sevilla ee Steven Nzonzi oo diirada u saaran kooxaha Arsenal iyo Barcelona xilli agaasimaha kooxda ee Monchi ku kalsoon yahay in heshiis laga gaari doono saxiixa (Gazzetta Della Sport).

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Liverpool oo ku raad joogto Christian Pulisic.

Read Next

Milatariga Itoobiya oo saaka lagu arkayo Bartamaha Jigjiga,Sawirro