Wargeysyada Caalamka iyo Ciyaaraha Waxa ay ka Qoreen Maanta.

Kooxda Barcelona ayaa dalabkii 3-aad oo ka badan 55 Milyan oo euro ka gudbisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Brazil iyo kooxda chelsea ee Willian (Sky Sports).

 Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay dalabkii ugu horeeyay ee Furitaanka ahaa ka gudbiso xiddiga garabka uga ciyaara xulka Belguim iyo kooxda chelsea ee Eden Hazard (Evening Standard).

 Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee Cesc Fabregas oo 31 jir ah ayaa qiirtay in uu inta badan la hadlo Eden Hazard si uu ugu qanciyo in uu iska diido kooxda Real Madrid (Telegraph).

 Kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale dalab ka gudbin karta saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Tottenham iyo xulka qaranka England ee Kieran Trippier kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay koobkii adduunka taas oo ku soo jeedisay indhaha kooxaha ugu waaweyn yurub (Sun).

 Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa meesha ka saara wax walba oo sheegaya in uu ka tagi doono kooxda PSG kuna biiri doono Real Madrid si uu badal ugu noqdo Cristiano Ronaldo (Marca).

 Goolhayaha Kooxda Man city ee Joe Hazard ayaa ku sii dhawaanaya kooxda Man city xilli ay kooxda chelsea dalab 5 Milyan ah ka gudbisay goolhayaha 31 jirka ah (Sun).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan iyo xulka Argentine ee Mauro Icardi ayaa ku soo laabtay bartilmaameedyada kooxda Real Madrid (Mail).

Kooxda Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay u hal mar kooxda Juventus kala soo wareegto saddex xiddig oo kala ah Miralem Pjanic oo khadka dhexe ah, Gonzalo Higuain oo weerarka ah iyo Daniele Rugani oo daafac ah (Sun).

 Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda Besiktas u soo bandhigtay heshiiska weeraryahanka reer England ee Daniel Sturridge si ay iyaguna u helaan daafaca reer Croatia ee Domagoj Vida (Fanatik).

 Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ka heshiiyeen saxiixa Xiddiga Eden Hazard oo ku kici doona 190 Milyan oo euro (Le10Sport).

Kooxda chelsea ayaa horumar ka samaysay baacsiga ay ugu jirto weeraryahanka reer Argentine iyo kooxda Juventus ee Gonzalo Higuain (Sky Italia).

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

A C Milan oo kuso biirtay loo lanka loogu jiro Karim Benzema.

Read Next

Taliyaha Booliska iyo Keating oo gaaray Gaalkacyo