Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed(Ameeriko) iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating,ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Wafddiga gaaray Gaalkacyo,waxaa ay booqanayaan Xerada ay ku jiraan Ciidamada ka socda dowladda Federaalka ee isku dhafka ah kuwaas oo qaabilsan amniga Magaalada Gaalkacyo.
Waxaa kale oo ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee Maamullada Puntland iyo Galmudug.
Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee labada maamul ayaa qaabilay Wafddiga gaaray Gaalkacyo,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan yeeshaan.
Magaalada Gaalkacyo ayaa xasilooneyd tan iyo markii amniga lagu wareejiyay Ciidamada isku dhafka ah ee labada maamul toosna loo hoosgeeyay dowladda Federaalka ah.
