Koofur Afrika: 11 Wadayaal Taksi oo la dilay iyaga oo Duug ka soo laabtay.

Dalka Koofur Afrika waxaa saaka oo Axad ah lagu dilay 11 Wadayaal Taksi,kuwaas oo ka soo laabtay aaska mid ka mid ahaa Ururkooda oo geeriyooday.

Weerarka ayaa dhacay markii ay ku socdeen Gurigooda sida ay sheegayaan Booliska,waxaana saraakiil u hadashay Booliska ay sheegayaan in ay wadaan baaritaanka arrintan.

Jay Naicker,oo ah Afhayeenka Booliska Koofur Afrika ayaa sheegay in Taksiilayaasha lagu weeraray Gobolka KwaZulu-Natal iyaga oo wada saaran Gaari nooca dadweynaha qaada ah.

Waxaa ay leeyihiin Urur ay ku mideysanyihiin Taksiilayaasha oo lagu magacaabo Gauteng taxi association, waxaa Boolisku ay sheegeen in 4 kale oo dhaawaca ah ay xaaladdooda aad u liidato.

Tuhunka ugu weyn waxaa uu la xiriiraa tartan dhinaca suuqa ah oo Urur kale oo Taksiley ah kala dhaxeeya,waxaana inta badan Taksiilayaasha ku dagaallamaan degaannada lacagaha badan leh.

Dalka Koofur Afrika waxaa caan ka ah tartanka colaadda ee Taksiilayaasha oo dhimasho badan sababa,waxaana ugu dambeeyay mid Dhamaadkii May ka dhacay Magaalada Cape Town oo ay 10 qof ku dhinteen.

Mustaqbal media

Read Previous

Taliyaha Booliska iyo Keating oo gaaray Gaalkacyo

Read Next

Singaporean firm to automate Djibouti port