Wafdiga Masar u soo dirtay Soomaaliya oo laga sagootiyay Muqdisho

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Saraakiil ciidan oo uu hoggaaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa dalka ka sagootiyay saraakiil ka socotay Ciidamada Dowladda Masar oo safar shaqo ku joogay wadanka.

Intii ay wafdigaan joogeen dalka waxaa ay la tageen Saldhigyo ku yaalla magaalooyinka Jowhar, Balcad, Mahaday, Buurane iyo garoonka Ballidoogle halkaas oo la qorsheynayo in Ciidamada Masar ee qeyb ka noqon doona howlgalka AUSSOM ay saldhigyo ka samaystaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sahal Cabdullaahi, ayaa tilmaamay in booqashadan ay muujineyso xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Saraakiisha Masaarada ayaa kormeeray Saldhigyada magaalooyinkaasi, si ay u ogaadaan nolosha ka jirta iyo sida Ciidanka ula qabsan lahaayeen Cimilada iyo dabeecada.

Ciidamada ayaa qeyb ka noqon doono howlgalka ka dhanka ah AS ee ka socda dalka, iyagoo taageeri doono Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Saraakiisha sare ee Masaarida ayaa muddo toddobaad ah ku sugnaa gudaha Soomaaliya, iyagoo la kulmay Madaxda iyo saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la filayo inuu gaaro dalka Itoobiya

Read Next

Dowladda Soomaaliya oo billaabeysa qorshe dib u habeyn lagu sameynayo ciidanka difaaca qaranka