Madaxweyne Xasan Shiikh oo la filayo inuu gaaro dalka Itoobiya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Adis Ababa ee Caasimadda ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah.

Sida ilo xog ogaal ah ay sheegeen Madaxweynaha ayaa kamid noqon doono Madax ka qeyb galeysa shirweynaha labaad ee looga hadlayo Isbadalka Cimilada ee Caalamka.

Madaxweynaha ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaaladda deegaanka iyo isbadalka cimilada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu sidoo kale kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb ah shirka cimilada Afrika.

Sidoo kale, madaxweynaha wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya xallinta dhibaatada Isbadalka Cimilada.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli Itoobiya ay daah fureyso biyo xireeenka Webiga Nile ee ay ka dhalin doonaan Korontada.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidanka Masaarida oo la diyaariyay Saldhigyada ay ka dagi lahaayeen Soomaaliya

Read Next

Wafdiga Masar u soo dirtay Soomaaliya oo laga sagootiyay Muqdisho