Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la wareegeen Xeryahii Ciidamada PSF ee magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Sidoo kale, Booliiska ayaa sheegay in ay maamulka iyo amniga xeryahaasi ay si rasmi ah ula wareegeen Ciidamada Difaaca dowlad goboleeda Puntland.

“Hub, rasaas, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, jeebbooyinka gacanta lagu xiro, kabaha Booliska iyo qalab kale oo ay ku jiraan agab ka mid ahaa deeqihii Dowladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaan ku qabanay howlgalkii ka dhacay Gaalkacyo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Ciidanka Booliiska Puntland.

Bayaanka ayaa ku soo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay Ciidamada PSF ay si nabad ku banneeyeen Saldhigyadooda magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo, iyadoo uusan ka dhicin dagaal.

Ciidadaman PSF ayaa si rasmi ah u hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay tan iyo 2002 qeyb ka ahaayeen howlgallada ka dhanka ah AS iyo Daacish ee ka socday Maamulka Puntland.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi