Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga ee dalkaas, iyadoo askarta darajooyinka hoose loo kordhiyey ilaa 80%.
Tillaabadan ayuu Madaxweynaha dalka Nigeria u qaaday sabab la xiriirta inuu Askarta ku dhiirigaliyo Difaaca dalka iyo la dagaallanka Kooxaha hubeysan ee ku sugan wadankaasi.
Isbeddelkan cusub ayaa ka dhigan in askarta darajada hoose oo bishii Luulyo mushaarkooda laga dhigay $73, ay hadda laga bilaabo bisha Sebtembar heli doonaan $132 bishii.
Sidoo kale, Saraakiisha Dhexe ilaa kuwa darajada kornaylka ah ayaa loo kordhiyey 50%, halka saraakiisha ugu sarreysa ee Jeneraallada ahna loo kordhiyey 30%.
Madaxweyne Tinubu ayaa bayaan uu soo saaray ku ammaanay geesinimada iyo dagaalka ay kula jiraan Kooxaha Boko Haram, ISWAP iyo kooxaha kale ee burcadda ah ee dadka afduubta.
Bishii hore Madaxweynaha Nigeria ayaa amar ku bixiyey in la qoro 28,000 oo askari oo cusub, isla markaana la abuuro afar qeybood oo cusub oo milateriga ah si loo ballaariyo hawlgallada.
Mustaqbal
