Dowladda Soomaaliya oo billaabeysa qorshe dib u habeyn lagu sameynayo ciidanka difaaca qaranka

Dowladda Soomaaliya ayaa billaabeysa qorshe dib u habeyn lagu sameynayo ciidanka difaaca qaranka, si loo adkeeyo is xisaabtanka iyo ogaanshiyaha ciidanka diyaarka ah iyo kuwa maqan.

Guddi ka kooban Wasaaradaha Difaaca, Maaliyadda iyo Saraakiil ciidan ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Saldhigyada ciidanka iyo xeryaha si ay u hubiyaan joogitaanka ciidanka ee xarumahooda iyo inay hirgeliyaan nidaamka casriga ah ee aqoonsiga faraha.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay ka go’antahay isla xisaabtan iyo kala dambeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

May be an image of 5 people, dais and text

Wasiirka ayaa sheegay in guddiga farsamo ee la magacaabay laga rabo inay kala saaraan askarta hawlgabka ah iyo kuwa shaqeeya, hubiyaan joogitaanka ciidanka ee xarumahooda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in tillaabadani tahay mid lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida, si ay awood ugu yeeshaan sugida amniga dalka.

Tillaabadan ay wado Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadeysaa xilli Ciidanka Qalabka Sida ay wadaan dagaal ka dhana AS, isla markaasna ay ku kala sugan yihiin gobollo kala duwan.

Mustaqtbal

MM Staff

Read Previous

Wafdiga Masar u soo dirtay Soomaaliya oo laga sagootiyay Muqdisho

Read Next

Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaarey Adis Ababa