Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaarey Adis Ababa

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Adis Ababa ee Caasimadda ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah.

Sida ilo xog ogaal ah ay sheegeen Madaxweynaha ayaa kamid noqon doono Madax ka qeyb galeysa shirweynaha labaad ee looga hadlayo Isbadalka Cimilada ee Caalamka.

Madaxweynaha ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaaladda deegaanka iyo isbadalka cimilada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu sidoo kale kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb ah shirka cimilada Afrika.

Sidoo kale, madaxweynaha uu la yeelan doonaa kulami gaar gaar ah madaxda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan is badalka cimilada iyo sidii loo xallin lahaa dhibaatada.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli sidoo kale uu ka qeyb gali doono shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya Adis Ababa.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Soomaaliya oo billaabeysa qorshe dib u habeyn lagu sameynayo ciidanka difaaca qaranka

Read Next

Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa & MW Soomaaliya oo qayb ka ah