Wafdi ka socda Turkiga oo DG Puntland kala hadlaya sii daynta Markabka Hubka & Gaadiidka Ciidan wada ee lagu hayo Boosaaso

Wafdi ka socda Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Boosaaso si Madaxda Dowlad-Goboleedka Puntland ugala hadlaan Markabka Hubka iyo Gaadiidka Ciidanka wada ee lagu hayo Dekedda Magaaladaas.

Xubnaha Wafdiga ayaa isugu jira Saraakiil ciidan, Diblumaasiyiin Safaaradda ka shaqeeya iyo xubno kale, waxa ay kulamo toos ah la yeelanayaan Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni si Markabka Sea World loo sii daayo.

Ilo ku dhow safarka wafdiga ka socda Turkiga ayaa sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta oo tababartay isla markaana taageerta ciidanka Badda Puntland ee PMPF ay sameysay dedaal xooggan oo la xiriira sidii wadahadal loo abuuri lahaa.

Markabka SEA World waxa ay Ciidamada PMPF ee Dowlad-Goboleedka Puntland ku qabteen Xeebta Bareeda ee Raas casayr 18kii July 2025, tan iyo xiligaas waxaa socday dedaallo kala duwan oo lagu sii daynayo markabkaan.

DG Puntland ayaa SEA World ku eedeysay in uu jebiyay nidaamka loogu talagalay in ay maraan marka Maraakiibta iyo Doomaha ay tagayaan xeebaha Dowlad-Goboleedkaas, sidaas darteed ayay sheegtay in ay usoo qabatay una geysay Dekedda Magaalada Boosaaso.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidamo isku hor fadhiya Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho

Read Next

Waddada isku xirta Janaay Cabdalla & Afmadoow oo la ballaariyay