Waxaa la ballaariyay waddada isku xirta Janaay Cabdalla iyo Afmadow Gobolka Jubada Hoose kaddib markii howlgalkaan ay iska kaashadeen Ciidanka Federaalka ee Kumaandooska gaarka u tababaran ee DANAB & Daraawiishta DG Jubbaland.

Dib u habayntaan ayaa lagu sifeeyay mid lagu fududeynayo isu socodka Gaadiidka si looga hortago saxmadda, Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Federaalka gaar ahaan qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Deegaannada howlgalkaan waddo ballaarin ah laga sameeyay waxaa kamid ah Orgiyoow, Qumbi iyo tuulooyinka hoos taga deegaanka Dhasheeg Waammo, waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed.

Waddooyinkaan ballaarinta lagu sameeyay waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo Miino oo galaaftay nolosha Dad u badan kuwo rayid ah oo isaga kala gudbayay Deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose.
Mustaqbal
