Wararka ay heleyso Idaacadda Mustaqbal waxaa ay sheegayaan in wafdi heer sare ah oo ka socda dalalka Eritrea iyo Itoobiya ay imanayaan Maanta Magaalada Muqdisho.
Wafdigan waxaa ka mid ah Wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea Osman Salax iyo Itoobiya workneh gebeyehu.
Ujeedada safarkooda lama sii sheegin waxaase bilihii la soo dhaafay ka socday geeska Afrika dabeyl diblomaasiyadeed oo ka dhalatay magacaabista Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.
Dowladda Soomaaliya ayaa dowladaha Itoobiya iyo Eritrea waxaa ay la gashay heshiisyo iskaashiga amaanka,dhaqaalaha, Ganacsiga iyo horumarka la xiriira.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho 16kii June, Ra’isalwasaaraha Itoobiya kula saxiixday heshiis ay Itoobiya ku maalgashaneyso afar dekadood oo ay leedahay Soomaaliya, waxaa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa iskaashiga dhinaca amaanka,horumarka, dhismayaasha Waddooyinka,fududeynta isu socodka Dadka labada dhinac.
Waxaa intaas dheer in Sharikadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay ku dhawaaqday in 41 Sano kaddib duullimaadkeedii ugu horreeyay uu imanayo Muqdisho 2-da Bisha November ee soo socota.
Dhinaca Dalka Eritrea,Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dheggiisa dalkaas 30kii July kula saxiixday heshiis ka kooban afar qodob oo ay ka mid ahaayeen iskaashiga dhaqaalaha,amaanka iyo xiriirka caalamiga ah.
Sidoo kale waxaa jirta in uu socdo dadaal lagu dhameynayo khilaafka dhinaca sohdinta ee u dhaxeeya Dalalka Jabuuti iyo Eritrea,kaas oo taagnaa dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.
