Mareykanka oo sheegay in uu 25 Sano sii furnaanayo Xabsiga Guantanamo

Dowladda Mareykanka ayaa meesha ka saartay xitaanka xabsiga fadeexada badan dul hoganeyso ee ku yaalla Gacanka Cuba ee lagu magacaabo Guantanamo Bay.

Xabsigan oo ay leeyihiin Ciidanka Badda Mareykanka ayaa la furay sanadkii 2001dii,markaas oo uu Mareykanka weerar ku qaaday Dalka Afghanistan,waxaana lagu xirayay hoggaamiyayaasha iyo xubnaha ka tirsan Al-Qaacidda iyo Daalibaan.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush oo lahaa aragtida furitaanka Xabsigan ayaa sameeyay,waxaana 2009kii amray in la xiro Madaxweynihii isaga ka dambeeyay ee Brack Obama, laakiin wareegto ka soo baxday Donald Trump Sanadkii la soo dhaafay waxaa uu amar ku bixiyay in Xabsiga aan la xirin.

Admiraal John Ring oo ah Taliha ciidanka maamula Xabsigan ayaa sheegay in dhawaan ay soo gaartay warqad amreysa in 25ka sano ee soo socda uu sii furnaanayo Xabsigaas islamarkaana Ciidamada Mareykanka ay sii joogi doonaan.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dad ku dhow kun qofoo ka tirsan Al-Qaacidda lagu xiray Xabsigaas intooda badanna la sii daayay mudadii 8 Sano ahayd ee uu Obama xilka hayay,hayeeshee wali waxa jira dad ku xiran.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa xabsigaas ku tilmaamay meel dadka lagu ciqaabo,waxaan Mareykanka uu mar ku dhawaaqay in dadka xabsigaas ku jira loo wareejinayo dalalkooda halkaasna lagu heynayo.

Mustaqbal media

Read Previous

US Says 60 Militants Killed in Somalia Airstrike

Read Next

Wafdi ka socda Eritrea iyo Itoobiya oo imana Muqdisho