Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa xalay gaaray Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo uga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Wadamada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Wafdigan ayaa waxa hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Amniga Abuukar Islow Ducaale waxaana xalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga.

Wasiirada hordhaca u ah wafiga Madaxweyana waxaa Garoonka diyaaradaha Boqor Cabdicasiis kusoo dhawayey Ergayga Ergada Joogtada Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Danjire Cabdirasaaq Siyaad Cabdi (Sancaani) iyo xubno kale oo ka tirsan OLC.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu dhawaan u duulo dalka Sucuudiga oo uu uga qayb galayo shir deg deg ah oo uu isku yeeray Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan oo looga hadlayo Xaalada Yamen iyo Gantaalo Kooxda Xuutiyiintu dhawaan ku tuureen Gudaha Sucuudiga.
Waxaa xusid umudan in shirkaan ay qayb galayaan Masuuliyiin ka socota Boqortooyada Qater oo in mudaa Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeyay wadamada Khaliijka oo inta badan wadan yar Xariirka u jaray.

