Waxaa warar dheeraad ah ka soo baxayaan qaraxyo wadad dhinaceeda la galiyay oo ciidamo ka tirsan kuwa Xooga dalka lagu eegtay duleedka Degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe.
Qaraxyada waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya oo socdaal ku marayay deegaano ka tirsan Duleedka Balcad,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.
Qaraxa koowaad ayaa waxaa uu haleelay Gaari nooca dagaalka uu la socday Sarkaal lagu Magacaabo Cali xuubey oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda,waxaana qaraxu ku qabsaday xili uu marayay Tuulo ku taalla inta u dhexeeya Haansheekh iyo Ceelka Geelow,iyadoona uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida dadka deegaanka Xajiinayaan.
Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in qarax kale lala eegtay Ciidamo oo gurmad ahaan ugu socday Taliye Cali xuubey,waxaana lagula eegtay Tuulada Gololeey, wallow wax khasaaro uusan geysan gaadiidku ay ku socdeen si xowli ah.
Majirto wax wara oo ka soo baxay laamaha amaanka Dowlada iyo maamulka degmada Balcad ee Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan dagaalkaan iyo hadii uu Khasaare gaysatay iyo inkale.
Sidoo kale Al Shabaab oo sheegta inta badan weerarada jid gal ah ee lagu qaado ciidanka Dowlada iyo kuwa AMISOM ee isticmaala wada xariirisa Balcad iyo Magaalada Muqdisho majirto wax wara oo ka soo baxay oo ay uga hadlayaan dagaalkaan.
