Waa Tuma Haweeneyda 73 sano jirta ee loo dhaariyay Xilka Madaxweynaha Namibia?

Dalka Namibia ee dhaca Koofur Galbeed ee Qaaradda Aasiya ayaa loo dhaariyay Madaxweynihii 5aad ee taariikhda Dalkaas xil ka qabta ahna Haweeneydii ugu horreeysay ee hoggaamiso Waddankaan.

Netumbo Nandi-Ndaitwah oo 73 sano jir ah ayaa loo dhaariyay Xilka Madaxweynaha Dalka Namibia, waxa ay soo martay waqti adag oo ay usoo hardantay xilal kala duwan oo dhinaca siyaasadda oo ugu dambeyn gaartay in ay hoggaamiso Dalkaas.

Haweeneydaan waxa ay waaya-joog u ahayd dhacdooyinkii kala duwanaa ee dalkaas soo maray sida madaxbannaanidii 35 sano uu qaatay Dalkaan, waxa ay ballanqaadday in ay ka shaqeyneyso horumarka dalkeeda.

Dadka Namibia badi waa shaqo la’aan, 44% oo ah Dad da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 34 sano waxa ay yihiin kuwo faramaran oo u baahan in shaqo abuur rasmi ah oo dhaqangala loo sameeyo si ay uga baxaan dhibaatooyinka ay ka sheeganayaan.

“Shanta sano soo socota waxa aan ka shaqeynayaa in ugu yaraan 500,000 oo shaqooyin ah in la helo, dabcan waxa ugu weyn ee aan ka shaqeynayo waa helista shaqo si looga baxo welwelka” ayay tiri Netumbo Nandi-Ndaitwah, Madaxweynaha Namibia.

Bulshada Namibia waa 3 Milyan oo ruux sida lagu sheegay daraasad la sameeyay Maarso 2025, Dowladihii is xigxigay ee soo maray ayaa ku guuldareystay in ay daboolaan dhibaatooyinka saameynta taban ku reebay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MW Xasan oo Saraakiisha & Madaxda Dhaqanka Shabeelaha Dhexe kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

Read Next

Taariikhdu maxay ku xukumi doontaa Jiilkeyga?