Waa nuucee hubka ay Dowladda ka qabsatay Mucaaradka?

Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen hub culus oo ay heysteen Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Mahdi oo warbaahinta kula hadlay guriga uu Xaafadda Mirinaayo ka daganaa Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed ayaa digniin adag u diray Mucaaradka.

“Waxaan gacanta ku soo dhignay 17 BKM, 6 Dhashiike, 1 Shaamashuutar, 5 Saban, 14 baabuur gaadiidka dagaalka, Aakeyaal iyo rasaas, hubkaasi in ka abdan ayaan heynaa welina howlgalka waa socda” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in aan marna la aqbali doonin khalkhal galin lagu sameeyo Amniga magaalada Muqdisho, isagoo xubnaha Mucaaradka u soo jeediyay in ay nabad ilaaliyaan.

Hadalka Macalin Mahdi ayaa ku soo aadaya xilli dowladda ay ku adkeysayno in Xubnaha Mucaaradka ay ku sugnaadaan guryahooda, isla markaasna aan la oggolaan doonin in ay kala dagaan Xaafadaha Mirinaayo iyo Howlwadaag.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Kim John Un oo ciidanka dalkaasi ku amray in ay dhisaan Markab dagaal oo casri ah

Read Next

Ciidamada ammaanka DFS oo howlgallo lagu sugayo amniga kawada Shabeelaha Dhexe