Kim John Un oo ciidanka dalkaasi ku amray in ay dhisaan Markab dagaal oo casri ah

North Korean leader Kim Jong Un visits a Choe Hyon-class destroyer, in North Korea, August 18, 2025, in this photo released by North Korea’s official Korean Central News Agency. KCNA via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. REUTERS IS UNABLE TO INDEPENDENTLY VERIFY THIS IMAGE. NO THIRD PARTY SALES. SOUTH KOREA OUT. NO COMMERCIAL OR EDITORIAL SALES IN SOUTH KOREA.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa amar ku bixiyay in la dhiso markab dagaal oo burburiye ah oo culeyskiisu yahay 10,000 tan, isla markaana la horumariyo hub qarsoodi ah oo biyaha hoostooda ka shaqeeya.

Sida uu qoray wargeyska dowladda ee Rodong Sinmun, Kim ayaa kormeeray tijaabooyin ay sameeyeen ciidamada badda, wuxuuna amray in si degdeg ah adeegga loogu daro markabka dagaalka ee Choe Hyon.

Kim Jong Un ayaa sidoo kale ku baaqay in la dardargeliyo ballaarinta hubka nukliyeerka, isagoo sheegay in dalkiisu u baahan yahay awood ciidan oo xooggan oo dhinacyada berriga, badda iyo cirka ah.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, la filayo inuu booqasho ku tago Pyongyang, si loo sii xoojiyo xiriirka u dhexeeya labada dal.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Muxuu ka dhigan yahay qorshaha hubka ka dhista ee Dowladda ku sameynayso Xubnaha Mucaaradka?

Read Next

Waa nuucee hubka ay Dowladda ka qabsatay Mucaaradka?